Kenya oo amartay in qaxootiga dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan dalkaasi ay dhibaato badan u geysteen dalka Kenya ayna waajib tahay iney dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya oo markii hore ay ka carareen.

Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari dalka Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in dowlada Kenya ay dib u dajin ku sameysay inka badan 350,000 oo qaxooti ah kuwaasi oo Soomaalida ay ugu badan yihiin.

Gudoomiyaha Kenya ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegay in kenya dhibaatada ugu badan ee amni darada kaga timid xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo qaxooti badan kusugan yihiin.

Maxamuud Saalax ayaa hadalkaan u sheegay wafdi ka socday golaha amaanka ee Midowga Africa iyo hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, kuwaasi oo xeryaha Dhadhaab kula kulmay masuuliyiinta dowlada Kenya.

“Xeryaha Dhadhaab waxay saldhig iyo deegaan u noqotay Alshabaab unugyo ka tirsan, lacagta la dhaqo,daroogada iyo dhoofinta dadka, sidaasi daraadeed waa in Soomaalida dalkooda ku laabtaan, waana qasab taasi”ayuu yiri gudoomiyaha Kenya ee gobolka Waqooyi bari.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in weeraradii Gaarisa iyo dhismaha ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi laga abaabulay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

“80 % dhulka Soomaaliya waa amaan mana aragno sabab keeneysa in xerooyinka ay sii shaqeeyaan oo aysan dadkaasi ku laaban dalkooda”ayuu hadalkiisa kusii daray gudoomiye Maxamuud Saalah.