Kenya oo 2 milyan dul dhigtay madaxa Maxamed Dhuubow

Booliska dalka Kenya ayaa lacag ku dhow 2 milyan oo lacagta Kenya ah dul dhigay Maxamed Dhuubow oo looga shakisan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerar ay ku dhinteen inka badan 14 ruux oo Kenyan ah oo ka shaqeynayay qodida Kaawada.

Bishii July sanadkii 2015 ayaa la sheegay in dadkaasi badankood la dilay waxaana lala xiriiriyay kooxda Alshabaab ee ka dagaalanka dalka Soomaaliya kuwaasi oo xiriir la leh Al-qaacida.

Maxamed Dhuubow ayaa la sheegay inuu yahay ruux hubeysan oo Qatar ku ah amaanka dalka Kenya, waxaana la aamisan yahay inuu ku laabtay dalka Kenya isaga oo ka tagay dalka Soomaaliya.

Bishii February ayaa hayadaha amaanka ee dalka Kenya Afar ruux  waxay dul dhigeen aduun lacageed gaaraya 8 milyan oo lacagta Kenya ah, waxaana la aamisan yahay iney ka dambeeyay weerarka oo ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Afarta ruux ayaa kala ah Cabdulaahi Isaaq, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide oo la sheegay iney abaabuleen weerar bishii November sanadkii 2014 ka dhacay deegaan Makkah oo ay ku dhinteen 28 ruux oo gaari bas ah saarnaa.

Shaqaalaha la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkooda Maxame Dhuubow ayaa ahaa kuwo Kaawo qodo waxayna xiligaasi kasoo laabteen qodida Kaawada.