Kaaliyaha xoghayaha guud ee Booliska Bariga Afrika, Kale Kayihura ayaa xaqiijiyay in Uganda iyo bilayska gobolka Bariga Afrika ay ku guuleysteen inay jabiyaan Al-Shabaab, islamarkaana ay ka hortagaan weeraradda ay Al-Shabaab ay la damcsanaayeen Qaar ka mid ah dalalka Afrika.
Waxaa uu sheegay in ay ka guuleysteen xitaa haddii ay wali dhibaato ka Waddaan Gudaha Soomaaliya.
Gen. Kayihura Waxaa uu hadalkaan ka sheegay shirkii xubnaha ururka Isbahaysiga Bilayska ee Bariga Afrika (EAPCCO) , waxaana uu sheegay in xilliggaan Soomaaliya iyo dalal kale ay u baahan yihiin in la caawiyo.
Kayihura, oo sidoo kale ah guddoomiyaha EAPCCO, ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha iskaashiga inay la yimaadaan ajandaha sida loo caawiyo Soomaaliya iyo DR Congo si ay ula dagaallamaan dambiyada xudduudaha ee gobolka.
EAPCCO waxaa la aasaasay sannadkii 1998-kii iyada oo ah jawaab-celin heer gobol ah si loola dagaallamo denbiyada ku-meel-gaarka ah iyo kuwa abaabulan ee gobolka Bariga Afrika.
Waxaana Ururkaasi Xubno ka ah Uganda, Kenya, Tansaaniya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Eritrea, Rwanda, Soomaaliya iyo Seychelles.



