Malayshiyo weerartay saldhig millatari oo ku yaala Kashmirta ay Hindiya maamusho ayaa dilay 17 askari sida uu ciidanku sheegay.
Afar ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday ayaa la dilay sida uu BBC-da u sheegay sarkaal millatariga ka tirsan.
Malayshiyada ayaa waagu intuusan baryin weerar ku qaaday saldhiga Uri oo ku yaalla meel u dhaw xadka qaybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir.
Waxaa wali socda baadi goobka lagu hayo malayshiyo kale oo la rumaysan yahay in ay deegaanka ku dhuumaalaysanayaan.
Dhacdadaasi ayaa ah tii ugu xumayd ee ka dhacda gobolkaas lagu muransan yahay sanadihii u dambeeyay.
Arrintani waxay imanaysaa iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada rabshadaha wata ee lagu diidan yahay in Hindiya ay maamusho gobolka Kashmir, waxaana halkaasi ka jira bandaw adag.
In kabadan sideetan ruux oo intooda badani wadeen mudaaharaad dawladda lagu diidan yahay ayaa ku dhintay labo bilood oo rabshado socdeen.
Gobolka Kashmir ayaa ah midka kali ah ee ay Muslimiintu aqlabiyad yihiin ee ku yaalla dalka Hindiya.