Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Somaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in lagu soo xiro Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa todobaadkii la soo dhaafay wuxuu sheegay 16-ka Bisha oo maanta ku beegan in si rasmi ah loo soo xiraayo kalfadhiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu kalfadhigaan soo xiro sida ku qoran Dastuurka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa kulamada Baarlamanka soo xira, isaga ayaana fura.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa geli doona fasax laba bilood ah oo ay dib ugu laabanayaan deegaan doorashooyinkii laga soo doortay si ay halkaasi uga keenaan warbixino la xiriira xaaladaha kala duwan ee deeganadooda.
Inkastoo sharciyo kala duwan ay horyaalaan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa haddana waxa ay maanta qaadan doonaan fasaxooda sharciyan xaqqa ay u leeyihiin Xildhibaanada.
Kulanka maanta lagu soo xiraayo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somaliya, kadibna kulanka ayaa la soo xiri doonaa.



