Chelsea ayaa xaqiijisay in kabtankeeda John Terry uu dhamaadka xili ciyaareedkaan isaga tagi doono kooxda, wuxuuna soo afjari doonaa 22-sano oo uu kooda ka dhisan galbeedka London adeege u ahaa.
Terry oo taariikhda Blues ay sameysay qeyb ku leh kana mid ah shaqsiyaadka ugu safashada badan kooxda ayaa fariin qiiro leh u diray dhamaan Jamaahiirta Chelsea, isagoo u balan qaaday inuu soo laaban doono balse uu waayahiisa ciyaaraha sii wadan doono.
“Waxey aheyd qiiro xad dhaaf ah in isbuucaan kooxda iyo aniguba aan ku dhawaaqno in xili ciyaareedkaan uu yahay kii ugu dambeeyay waayaheyga ciyaariyahanimo ee Chelsea”
“Wuxuu ahaa go’aankii ugu adkaa ee nolosheyda, aniga ahaan iyo qoyskeygaba, balse waxaan mar walba hubaa inaan ku tagayo xaalad sax ah, wado saxan iyo waqti haboon, waana sidey hadda tahay”
“Hamigeygii hore markii aan wiilka ahaa wuxuu ahaa inaan noqdo xirfadle kubadda cagta ah, waxaana si joogto ah ugu mahadsan kooxda kubadda cagta Chelsea, hooyadey, aabahey iyo walaalkey kuwaas oo i siiyay fursadda iyo dhamaan taageradooda ii kaamishay riyadeyda”
“Laga soo bilaabo 14-jirkeygii ciyaalka iskuulka, saxiixeyga heshiiskii ugu horeeyay da’da 17-sano, kulankeygii ugu horeeyay ee kooxda koowaad isla sanadkaan, ka qeyb noqoshadeyda isbadalka iyo hormarka kooxdaan weyn, waxey igu dhiirigalineysaa inaan joogteeyo dadaalka si aan u noqdo midka u fiican intaan awoodo”



