Juventus ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga Leicester City N’Golo Kante – haddii Paul Pogba uu ka tago xagaagan.
Pogba ayaa waxaa doonaya kooxaha ugu waa weyn Yurub, oo ay ku jiraan Barcelona, Manchester City iyo Real Madrid.
Juventus ayaa dooneysa inay ceshato ciyaaryahanka khadka dhexe, laakiin waxa ay ka warqabaan in laga yaabo laca dhan £ 100m lasoo bandhigo.
haddii kooxda heysata horyaalka Talyaaniga go’aansato inay iska iibiso Pogba sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, waxay bedelkiisa u dhaqaaqayaan Kante.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ee Leicester ayaa xilli ciyaareedkan soo jiitay kooxo waweyn ka dib markii xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Caen £ 5.6m.
25-sano jirkaan ayaa haatan bartilmaameed u ah Arsenal iyo Real Madrid, iyadoo qiimaha lagu weydiisanayo kooxdiisa uu yahay £ 30m ah.


