Juventus oo guul waaya aragnimo ah ka gaartay Tottenham Hotspur

Juventus ayaa gaartay guul muhiim ah, waliba taariikhi la oran karo kulan ay 2-1 kaga badiyeen Tottenham Hotspur ciyaar ka dhacday garoonka Wembley – lugta labaad wareegga 16-ka Champions League.

Juventus iyo Spurs kulankii hore waxey ku kala baxeen 2-2, taasoo ka dhigan in 3-4, ay kusoo baxday kooxda ka dhisan dalka talyaaniga, kaliya 3-daqiiqo ayeyna u baahatay Bianconeri iney kulanka gabi ahaanba dhinaca kale u rogto.

Heung-Min Son ayaa bilaabay bandhigga goolasha kaas oo caawinaad ka helay Kieran Trippier, waxey u aheyd aalad murugo leh tiiyoo ay jirto in garsoorka uu rigoore ka inkiray Juventus markii Costa lagu riday xerada ganaaxa.

Si kastaba Gonzalo Higuain ayaa soo celiyay rajada kooxdiisa daqiiqadii 64-aad markii uu si lama filaan ah u dhameystiray kubad joog sare aheyd oo ka timid Khedira.

Ma kale Juventus ayaa gool ka heshay Paulo Dybala wuxuuna kubad dhex bixis ah ka helay Gonzalo Higuain, si qurux badan ayuu u dhameystiray.

Harry Kane ayaa dhamaadkii kulanka madax birta la haleeshiiyay, balse Barzagli ayaa soo badbaadiyay kubad goosha kusii socotay.

Natiijada waxey ku dhamaatay 2-1, isku cel-celis ahaan 3-4, oo ay quarter final-ka ugu gudubtay Juventus.