Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa laga yaabaa in ay lumiso xidigeeda garabka bidix ee dafac Alex Sandro kaas oo dalabnaya in lasiiyo mushaar dheeri ah.
Dhanka kale xidigan aya xiisa ka helaya kooxaha Manchester United , Paris Saint Germain iyo Manchester City.
Si kastaba ha ahaatee, Corriere dello Sport baahisay in ay Juventus doonayso in ay saxiixa Alejando Grimaldo kula dagaallanto Man United, si ay baddal uga dhigto Alex Sandro kaas oo dalbanaya in mushaarkiisa sannadlaha lagaarsiiyo adduun 5-malyan oo euro.
Mamchester United ayaa dhankeeda doonaysa xidig ka ciyaari kara danbeedka bidix ee daafaca si ay ugu xoojiso safka Old Trafford.



