Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday waxyaabaha uu sameeyo ee waqtiga uu ku dhumiyo madaama uu guriga ku xayiran yahay sababo la xiriira caabuqa halista ah ee Coronavirus.
Klopp ayaa sheegay inuu daawaday filimka taxanaha leh ee Taken si uu waqtiga u dhumiyo halka uu sidoo kale isku dayay inuu sameeyo qoob ka ciyaarkii ay Oxlade-Chamberlain iyo saaxiibtiisa Perrie Edwards ay soo dhigeen baraha bulshada.
“Ma aanan jarin cawska, laakiin waxaa isku dayay qoob ka ciyaarkii Ox!” ayuu yiri tababaraha Jarmalka.
“Uma xumeyn sida aad ku fekereyso.
“Waxaan daawaday filimaan dhowr ah. Waxaan mar kale daawaday filimka taxanaha leh ee Taken. Waa sida ay haatan xaaladu tahay. Waxaad sameyneysaa waxyaabo badan oo aadan caadiyan sameynin. Waxaan weli ku jiraa waqtigaas. Labo isbuuc waa waqti dheer laakiin sidaas uma dheera.
“Waa muhiim aad u weyn in xaalada jirta aan dhab u qaadano, laakiin waxaan nahay bani’aadam. Waqti xaadirkaan waxaan joognaa guryaheena, marka aad joogto guriga ma sameyn kartid wax aad ku caawiso dadka banaanka jooga.
“Ma nihin shaqaale caafimaad, kama shaqeyno dukaamada laga adeegto. Waa inaan farxadaada ka shaqeyso iyo farxada dadka kale.



