Jubbaland oo xukun riday

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo loo haystay Dilka Qof rayid ah.

Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland ee  Magaalada Kismaayo ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dawcada Askarigan ka tirsan Ciidanka Jubbaland, waxaana ay go’aamisay in lagu fuliyo dil toogasho ah.

Askarigan ayaa dhowaan bartamaha Magaalada Kismaayo waxa uu ku dilay Qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in dambiga Askarigan uu ahaa mid loo helay cadeymo buuxa iyo Marqaatiyaal.