Jubbaland oo xirtay Iskuulo ku yaalla Kismaayo

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay si KMG ah u xirtay laba Iskuul oo ku yaalla Magaalada Kismaayo,kuwaas oo ay sheegeen inay sharciga baal mareen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay si kumeel gaar ah loo xiray Dugsiyada kala ah Xalane iyo Aqoon-Bile oo ka mid ah Iskuulada ku yaalla Degmada Kismaayo ,kadib markii ay baal-mareen habraacii Waxbrashada.

Ugu dambeyn qoraalka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu Tahay 23 October 2019 si KMG ah loo xiray Iskuuladaas.