Maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baardheete ee gobolka Gedo, kaasi oo dhexmaray ciidamo kala taabacsan DF iyo kuwa Jubbaland.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in koox maleeshiyaad ah ay weerar ku qaadeen ciidamada DF, islamarkaana ay iska difaaceen.
“Koox Qas-wadayaal ah oo uu soo abaabulay eedeysane Axmed Madoobe ayaa fal arbushaad ah ka sameeyay Baardheere.. Axmed Madoobe ayaa weli ku mashquulsan abaabulka ficillo sharci darro ah iyo dhiig-daadinta umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo sii kordhinaya dembiyada uu horey u galay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga ayaa si adag u uga digaysa cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocaan oo kale ah in ay la kulmi doonto tallaabo Waafaqsan sharciga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale war ka soo baxay saaka wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay degmada Baardheere ay mas’uul ka ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.
Qoraalka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kae madaxweyne Xasan Sheekh loogu digay inuu markale dhiig ku daadiyo degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in ay iska difaaci doonto cidkasto oo cidkasto oo isku dayda in ay khalalaase siyaasadeed ay ka abuuraan deegaanada Jubbaland.
Dagaalka shalay ka dhacay Baardheere ayaa ahaa mid la xariira loolan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland ugu jiraan gacan ku heynta degmadaas, waxaana dagaalka ku dhintay dad uu ka mid yahay guddoomiyahii arrimaha bulshada degmadaas Maxamed Ilyaas Caagane.



