Fadhiga BFS oo maanta baaqday iyo xildhibaano ka falceliyay

Waxaa maanta baaqday Kalfadhiga 5-aad ee xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kalfadhigan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu furmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, mana cadda sababta uu u baaqday kulanka.
Ma jiro faahfaahin ay bixiyeen guddoonka Baarlamaanka iyo sababta ay u baajiyeen kalfadhiga 5-aad.

Baaqshada kulanka ayaa waxaa si adag ugu hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa facebook, Xildhibaan Sadiq Abdullah Cabdi ayaa sheegay inaan wax la aqbali Karin ay tahay inuu sababta la’aan uu u baaqdo fadhiga Baarlamaanka.

“Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka BJFS oo aheyd inuu furmo maanta, bisha Febraayo 06deeda ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo aysan jirin wax sabab iyo qoraal cudurdaar ah ama fariin loo soo direy xubnaha Barlamaanka JFS, mana ahan markii koowaad ee Guddoonka Golaha ku xadgudbo qodobo Dastuuri ah iyo xeerarka kale ee dalka.” Ayuu yiri.

Sidoo kale qoraalkiisa ayaa waxaa uu ku yiri”Xadgudubyadan guddoonka caadeystey waxaa u wehliya marar badanna ku celceliyey in guddoonku si toos ah ugu milmay Laanta Fulinta iyo Madaxtooyada, halkaasoo looga soo meeriyey xiliga furitaanka, xiritaanka iyo ajendeyaasha Kalfadhiyada Golaha Shacabka. “.

Xildhibaan Sadiiq ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay”Howlihii qaranka, madaxbanaanida Golaha iyo is-koorjoogteydii hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba meesha ka baxey, waxa uuna Barlamaanka 11aad noqdey mid howlgab ah oo gudan waayey shaqadii bulshaddu u igmatey; sababta ugu weyn waa in Guddoonka Golaha Shacabku noqdey masuuliyiin aan xilkas aheyn, musuqmaasuqna hareeyey, sidoo kale, waxa uu ogolaadey in laaluush joogto ah oo Madaxtooyada iyo Laanta Fulinta bixiso lagu kala dhantaalo ama lagu curyaaminta shaqadii barlamaanka lahaa.”

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay inuu fahmo la’yahay sababta xildhibaanada loogu baqo oo maanta loo furi waayay kulanka Baarlamaanka.

“Warqadaan uu Gudoonka Golaha Shacabka BJFS soo saareen waxa ku Cadaa in bari oo taariikhda tahay 06/02/2025 furmo Golaha waa markii lixaad warqad ay soo saareen Golaha ku furmi waayo, cabsida Xildhibaanada laga qabo Logama Baaqsan karo in dib loo dhigo furitaanka kala fadhiga.” Ayuu yiri

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kalfadhigan uu yahay mid xasaasi, islamarkaana xildhibaanada ay diyaareen mooshino, inkastoo aan la ogeyn masuula laga wado, taasi ayaa loo sababeynaa inuu u baaqday fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.