Sheekh Shariif oo war ka soo saaray dagaalka Daacish ee ka socda gobolka Bari.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Somaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kaga haadlay dagaalka ka socda buuraha Calimiskaad ee gobolka Bari ee lagula jiro kooxda Daacish.

Madaxweyne hore Shariif ayaa Ciidamada Puntland ku bogaadiyay Hawlgalka lagu lagu soo afjarayo kooxda Daacish ”Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna.”ayuu ku yiri qoraalkaasi.

Sidoo kale qoraalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray “Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo bayaan ka soo saaray dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan Argagixisada Daacish.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in si dhab ah loo garab istaago howlgalka ciidamada Puntland., si loogu adkaado kooxda Daacish.

“Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday howlgallada ciidan ee ka socda buurraleyda Calmiskaat ee gobolka Barri waxaana Dowladda Puntland iyo guud ahaan shacabka ku boorrinayaa in si dhab ah loo garab istaago howlgalka ciidamada” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.

Gobolka Bari ayaa waxaa ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish, iyadoona howlgalka inta uu socda xubno badan oo Daacish ah lagu dilay dagaalka, halka askar iyo saraakiil ka tirsan Puntland ay ku geeriyoodeen, qaarna ay ku dhaawacmeen.