Kismaayo-RisaalaFM- Kadib kulan ay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen guddiga amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka soo saareen dhowr qodob oo ku saabsan dhinaca amniga gobolka.
Qodobada kulanka laga soo saaray waxaa ka mid ahaa dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo oo u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed.
Sidoo kale qodobada ka soo baxay kulanka amniga ee guddiga amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka mid ah:-
1:- In qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ay baaris dhab ah ku sameyso dambiyadii dhacay cida ku lug leh iyo nuxurka waxa keenay dagaalka labada beelood.
2:- In tuulada dagaalka uu ka dhacay la joojiyo dhismaheeda ilaa amar dambe,iyada oo tira koob rasmi ah lagu sameynayo waxa hadda ka dhisan.
3: In la soo qabto sharcigana lahor-keeno dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey dagaalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee dhex maray labada beelood.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose korneel Maxamed Naasir ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadayo cidii ka soo horjeesata qodobada ay soo saareen.
Go’aanadan ka soo baxay Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo boolis ah ku sii qul qulayeen degaanadii lagu dagaalamay ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.
Dagaalkan u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed ee ka dhacay deegaano ku yaalla Galbeedka Magalada Kismaayo ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.