Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa soo dhamaatay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Golaha shacabka.
C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareega koowaad ku hoggaaminaya 24 cod, halka Musharax kale ee loolanka uu kala kulmayo Nuur Iidow Beyle uu helay 23 cod, sidoo kale waxaa Hal cod helay Cali C/laahi Cosoble, waxaana xumaatay Saddex cod.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliima Yarey ayaa ku dhawaaqday natiijada wareega koowaad ee cododka doorashada kursiga Beesha Cali Madaxweyne, waxaana ay sheegtay in loo gudbayo wareega labaad, si loogu kala baxo.
Natiijada horudhaca ee cododka ay heleen Saddexda musharax ayaa ka dhigeysa mid aan wali soo afjarmin, islamarkaana aan wali Musharaxna helin Saddex meelood labo meel cododka 51 Ergo ee doorashada.
Wareega labaad ayaa waxaa isku soo haray C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, waxaana doorashada wareega loo gudbay wareega labaad.


