Jose Mourinho oo qayb ka ah macallimiinta diiradda u saarran Beppe Moratta inuu Inter u dhiibo!

Liis ka kooban saddex macallin ayaa bartilmaameed u ah Beppe Moratta si uu kaga dhigo macallinka xiga ee Inter Milan.

Luciano Spalletti ayaa mustaqbalkiisa mugdi weyn uu soo food saarray ka dib markii uu ku guuldarreystay inuu tartanka UEFA Champions League-ga wareeggiisa 16-ka usoo saarro.

Inter ayaa ku Group noqotay Barcelona, Tottenham iyo PSV Eindoven, waxaana ay ku dhammeysteen booska saddexaad, taasoo horseedday in UEFA Europe League ay tagaan.

Sidaas darteed, Agaasimaha cusub ee Nerazzuri ayaa waxa uu doonayaa inuu kooxda u dhiibo macallin heer sare ah, waxaana diiwaanka saddexda macallin uu doonayo ku jira maamulaha xaalka uu ku xunyahay ee Jose Mourinho.

Corriere dello Sport ayaa waxa ay werrineysaa in Beppe Moratta uu damacsanyahay in midkood uu macallin kaga dhigo Inter macallimiinta kala ah Jose Mourinho oo horraan Inter usoo maamulay, Diego Simeone iyo Antonio Conte oo hadda shaqo la’aan ah.

Mourinho ayaa xaaladdiisa United waxa ay tahay mid ololeysa, maadaama guuldarrooyin iyo natiijooyin liita ay kooxdiisa dhaxashay xilli ciyaareedkan.

Halka Simeone uu ku raaxeysanayo Atletico Madrid, waxaana xusid mudan macallinka reer Argentina uu yahay mid ay dhammaan kooxaha qaaradda Europe ay yihiin kuwa doonaya maskaxdiisa inay ka faa’ideystaan.

Conte ayaa waxa uu yahay shaqo la’aan, iyadoo laga eryay shaqada kooxda Chelsea, sidoo kalena dhowr jeer lala xiriiriyay Real Madrid.