Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa tibaaxaya in banaanbaxyo xoogan ay ka bilaawdeyn qeybo kamid ah Magaaladaasi.
Sida uu inoo xaqiijiyay wakiil wareedka Risaala ee Magaalada Baydhabo Siid Cali Muuse, waxaa bilaawday mowjado banaanbaxyo ah oo xoogan, waxaana xusid mudan in saakay aroortii uu Baydhabo waaga ugu baryay jawi ka degan midkii maalmahaan balse banaanbaxayadaani ay barqanimadii bilaawdeyn.
Banaanbaxayaashaani ayaa ka careysan soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya sheegtay in ay iyadu soo xiratay.
Ilaamaa markii lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxayaal rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa.



