Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si aad ah kaga carooday in guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward uu baajiyo waqtigii lagu madalsanaa in laga arrinsado miisaaniyadda suuqa kala iibsiga ee bisha January.
Mourinho ayaa ka cabanaya in aysan si wanaagsan ula dhaqmin maamulka kooxda, sidaas oo ay tahayne cadaadis badan ay saarayaan marka kooxdiisa ay bandig liita sameyso.
United ayaa suuqii xagaaga ku qaras gareysay £70m saxiixyada laacibiinta kala ah Fred iyo Diego Dalot, iyagoo dhegaha ka fureystay dalabyadii Jose uu ku doonayay inuu difaac sare kooxdiisa kusoo daro sida Harry Maguire, Toby Alderweireld iyo Jerome Boatenga.
Macallinka reer Portugal ayaa taageere weyn u ahaa maamulka kooxda dhowaanahan, hase ahaatee, waxa uu si aad ah kaga carooday in Guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Woodward uu joojiyo kullankii ay kaga doodi lahaayeen bartilmaameedyadooda suuqa kala iibsiga, sida The Sun ay sheegeyso.
Mourinho waxa uu fahansanyahay in Zinedine Zidane uu ka beddeli doono shaqada Old Trafford isla markaasna United aysan dooneyn inay saxiixyo wanaagsan u sameeyaan, hase ahaate ay ka fikirayaan in bisha January ay ceyrin doonaan.
Jose ayaa hadda niyad jab ballaaran ka muujinaya qorshihiisa ah in difaac dhexe oo tayo sare leh kusoo daro kooxdiisa, isagoo ka xummaaday in kooxda United maamulkeeda ay u fulin weyso qorshahiisa suuqa kala iibsiga bisha January.



