Kabtanka Kooxda Chelsea John Terry ayaa bartilmaameedsanaya inuu dib ugu soo laabto garoomada kulanka ay kooxdiisa soo dhaweyn doonto PSG lugta labaad ee Champions League.
Daafaca Chelsea ayaa dhaawac dhanka muruqa ah ku seegay afartii kulan ee ugu danbeysay iyadoo ay ubadan tahay inuu seegi doono kulanka beri ee Stoke City.
Hase ahaatee waxaa uu shaxda Guus Hiddink kusoo laaban doonaa kulanka PSG ay soo booqan doonto Stamford Bridge.
35 jirkaan JT, ayaa saxaafada usheegay xiliga uu filayo inuu ciyaaro waxaana uu yiri: “Taas waa bartilmaameedkeyga inaan kulanka PSG joogo, waan ognahay inaan ku dhowahay inaan soo laabto, laakiin tartiib tartiib ayaan usameynayaa.”
Terry ayaa sheegay dhawaan inuu ka tagi doono Chelsea xili ciyaareedka danbe maadaama heshiiskiisa uu dhamaanayo.
Mar uu ka hadlayay arintaas ayuu yiri “Ma jiraan haatan wax wadahadal ah, laakiin kuma dhihi karo ma jiri doonaan wadahadal.”
Daafacii hore ee qaranka England ayaa iska diiday inuu ku biiro koox kale oo Ingiriiska ka dhisan isagoo diyaar aan u ahayn inuu ka hortago kooxdiisa Chelsea
Horyaalka China ayaa ah halka uu mushaarka badan ka heli doono Terry halka Mareykanka, Qatar, iyo wadamo kale laga doonayo
Ciyaaryahankan ayaa aamisan inuu garoomada kusii jiri karo ilaa labo xili ciyaareed oo soo socota.


