Dhagaxaan dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaal hor leh oo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala Wadooyinka Muqdisho.
Ciidanka Ammaanka ayaa horay u xiray inta ugu muhiimsan Wadooyinka Xaafadda dhexmara ee ku yaalla degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana hadda Muuqata in la sii xiraayo intii dhimaneyd.
Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in la adkeeyo Ammaanka xarumaha dowladda iyo Xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir.
Gaadiidka uma suuragaleyso inay laamiga ka leexdaan, sababtoo ah dhamaan jidcadyaasha xaafadaha dhexmara ayaa lagu jaray Biro si uusan gaari u marin.
Meelaha ugu badan ee hadda la xiran ayaa waxa ka mid ah Jidcadayeesha ku yaalla Konrooladda laga soo galo Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana ka mid ah inta badan Jidcadayeyaasha degmooyinka Waabari, Xamar Jajab, Xamarweyne iyo Wartanabadda.



