Jesse Lingard oo iska diiday Arsenal isaga oo u dagaalamaya…

Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneynin inuu ka tago Manchester United kuna biiro kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa dhawaan galaya sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Old Trafford waxaana hoos u dhacay booskii kalsoonidii uu ka heystay Ole Gunnar Solskjaer.

Arsenal ayaa la rumeysan yahay u yihiin inay diyaar inay Lingard u soo bandhigaan wado uu ku badbaadin karo mustaqbalkiisa, laakiin Metro ayaa sheegeysa in kubadsameeyahaan uu doorbidi lahaa inuu u dagaalamo booskiisa United.

Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu iska iibiyo xiddigan, iyadoo dalab 30 milyan oo ginni ah ugu badnaan ay ku heli karaan.

Laacibka akadeemiga United Lingard ayaa dhaliyay labo gool 35 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.

Arsenal

Daafaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng ayaa ku soo laabtay qorshaha kooxaha Premier League.

Foot Mercato ayaa sheegeysa inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, kaasoo haysta in kabadan hal sano qandaraaskiisa haatan, uu bartilmaameed u yahay kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Waxaa la soo jeedinayaa in Boateng uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda Bayern xagaagan – isla markaana uu u dhaqaaqo England.

Bayern ayaa diyaar u ah inay Boateng ku iibiso 16-18 milyan euro.

Horaantii xilli ciyaareedkaan, Tababaraha kooxda Bayern Hansi Flick ayaa qirtay inuusan dammaanad qaadi karin inuu si caadi ah u bilaabo halyeeygakusoo bilaabashada ciyaaryahankaan: “