Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliska degmadaas ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtey kooxo la sheegay inay khalqal amni ku haayeen degmadaas.
Maamulka Degmada oo uu horeeyo Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Saldhiga ayaa Maanta 7 dhalinyaro oo ku Hubeysnaa Mindiyo iyo Baan-gado ku wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay in raggaan ku hubeysnaa Mindiyaha & baangadaha ay degmada ku hayeen khalqal amni,isla markaana laga soo dacwoodey.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa fariin digniin ah u diray dhalinyarada ku hubeysan Mindiyaha iyo Baangadaha Ee Amniga Rabshadaha ku wada In la marsiin doono Sharciga.