Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa soo gaaray Wafddi uu hogaaminayo Madaxa qeybta siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda Jeffery Feltman.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wafdiga Jeffery Feltma diblomaasiyiin caalami ah, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa qeybta siyaasadda ee Qaramada Midoobay Jeffery Feltman oo Muqdisho yimid isaga iyo wafdi la socday.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha horyaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.



