Faah faahin Odayaal lagu xir xiray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Odayaashan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka qeyb qaadanayay gogoshii nabadeed ee fidsaneyd magaalada Jowhar, taasi oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laa laabtay ee ka dhaca degmada Cadale.

Ciidamada ammaanka oo soo qabtay Nabadoonada ayaa waxa ay dhigeen saldhiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana socoto dadaalo lagu soo deynayo.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle, kuwa gobolka iyo saraakiisha Ciidamada ayaa ilaa hada faah faahin rasmi ah waxa aysan ka bixin xariga loo geystay Odayaashan, lamana oga weli sababta loo xiray.

Warar ay heleyso Risaala ayaa waxa ay sheegayaan in Nabadoonadan ay diideen in ay dhexdhexaad ka noqdaan dagaal beeleedyada ka jira gobolka, iyaguna arrintaasi ay ka soo horjeesteen.

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay Dowladda Federaalka ka dalbadeen in ay soo fara geliso gogosha nabadeed ee taala magaalada Jowhar.