Jarmalka oo baaraya waraaqo aqoonsiga IS

Boliiska la dagaalanka argagixisada ee Jarmalka, ayaa baaraya faalal ka kaooban waraaqo la sheegay inay ku yaalaan aqoonsiga dagaalyahano badan oo ka tirsan kooxda IS.

Faalasha oo ay heleen warfaafino Jarmal iyo British ah, ayaa la sheegay inay yihiin su’aalo lagu qorayay dagaalyahaniinta oo sheegaya kumanaan taageerayaasha kooxda IS oo ka kala yimid konton waddan.

Waxay u eg tahay inay ku yaalaan magacyada, cinwaanka guryahooda iyo numbarada taleefoonadooda.

Masuuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay inay baaritaanka wadaan iyagoo aaminsan in faalasha ay yihiin kuwo dhab ah.

Wasaarada arrimaha guduha ee Jarmalka ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in waraaqaha “ay yihiin fursad wayn oo lagu aqoonsado dadka Jarmal ee ka qayb qaadanaya falalka argagixisada ee kooxda IS.”

Waxay intaa ku dartay “Inay u ogolaan doonto in la fahmo habka ay u samaysan yihiin kooxda argagixisada ee IS iyo in laga hortago dhalinyarada maskaxda laga badalay, oo u malaynayo inay wax fiican samaynayaan, laakiin hadda laga yaabo inay ogaadaan inay yihiin dad gacanta u galay kooxo danbiilayaal.”