James Milner Oo Cadeeyay Inuu Iska Diiday 13 Kooxood Oo Kala Duwan- Sidee?

James Milner ayaa u dabaal dagay sanad guuradii ugu horeysay kusoo biiristiisii kooxda Liverpool,isagoo sheegay in uu diiday dalabyo uga yimid kooxo ka badan 10 oo isaga xiiso u qabay.

Milner, oo hadda 30 jir ah, wuxuu ahaa nin baahi badan aan looga qabin kooxda Manchester City waxaana dhacay heshiiskii uu kula joogay.

Laakiin, sida ay sheegay Milner waxa uu ku faraxsanaa saxiixa kooxda Liverpool, isagoo ka doortay la shaqeynta tababarihii hore ee Liverpool Brendan Rodgers macalimiin badan.

Waxa uu yiri “Laga soo bilaabo January wixii ka dambeeyey, waxaan lahaa dalabyo is daba jog ahaa oo iga yimid Italy iyo Spain,Guud ahaan 4 kooxood ayaa xiriir ila soo sameeyay ayuu hadalkiisa ku daray Milner.

” James ayaase sheegay in ay u aheyd waxa ugu weyn u dhaqaaqistiisii Liverpool, waxaana rajeynayaa in aan ku heli doono farxad ilaa maalinta ugu dambeysa halkaan.