THE SUN Oo Shaacisay Waxa Uu Noqon Doono Zlatan Ibrahimovic Marka Uu Kubadda Cagta Ka Fariisto

IbrahimovicZlatan Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabay qaadashada cashiro ku saabsan sharciga tababarenimo lakiin howsha ayaa si rasmi ah uu u bilaabi doonaa sanadka cusub.

34-sano jirkaan ayaa horey sameyn deg deg ah ugu yeeshay kooxda Manchester United, waxaana uu u dhaliyay saddex gool Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa xitaa ka saacidi doona Ibrahimovic inuu siiyo cashiro gaar ah, taasoo ka dhigeysa in ay sii wada shaqeyn doonan labada nin.

Kabtabnkii hore ee Sweden ayaase loo badinayaa in heshiis cusub oo hal sano ah u kordhin doono Red Devils xagaagan, kadib bandhigiisa guulo ee Old Trafford.

Sida laga soo xigtay The Sun, Ibrahimovic ayaa bilaabay barashada sharciga tababarenimo isagoo rajeynaya inuu noqdo tababare marka uu ka fariisto ciyaaraha.