Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Michael Keating ?

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, iyagoo ka wada hadlay Doorashooyinka dhawaan la filayo in ay Dalka ka dhacaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Labada Masuul ayaa isla jeexjeexay xaaladda maanta uu Dalka marayo iyo sidii si habsami leh loogu guda geli lahaa doorasho xalaal ah oo ay Soomaalidu ku wada qanacsan tahay, lagana ilaaliyay musuq maasuq.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Danjire Keating, ayaa sidoo kale waxay isla qaadaa dhigeen diyaar garoowga loogu jiro shirka Madasha Qaran ee la filayo in uu Berrito ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saari doono turxaan bixinta Goalaha Sare ee Baarlamanka iyo sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa.