Juventus ayaa war farxad leh ka heshay dhaawaca Cristiano Ronaldo ka hor kulanka xiisaha badan oo ay la ciyaari doonaan Ajax Amsterdam, labadaan kooxood ayaana ciyaari doona quarter final-ka tartanka horyaalada yurub.
Xiddiga reer Portugal ayaa cabsi badan laga qabay inuu seegi doono lugta hore ee 10-ka April labada kooxood ku ciyaari doonaan Johan Cruyff Arena kadib dhaawac soo gaaray isagoo matalaya qarankiisa Portugal kulamadii isreeb-reebka koobka qaramada yurub.
Turin farxad yar ayaa ka jirta maadaama lambarka 7-aad ee Portugal uu sameeysy soo kabsasho layaab leh isla markaana uu diyaar u noqon karo kulanka lugta hore ee Ajax, sidoo kale waxaa lasoo warinayaa inuu taam buuxa u noqon karo kulanka Ac Milan balse uusan dooneyn inuu halis galiyo naftiisa.
CR7 oo si aan caadi aheyn Juventus ugu soo saaray wareega quarter final-ka Champions League kadib markii uu sadexley ka dhaliyay lugtii labaad Atletico Madrid ayaa mar kale diyaar u ah inuu kooxdiisa wareegyada xiga geeyo.
Kabtanka Portugal markii lixaad ayuu doonayaa inuu hantiyo koobka Champions League, waxeyna u noqon kartaa markii afaraad oo xiriir ah hadii uu fasalkaan Bianconerri kula guuleysto koobkaan oo ay ugu dambeysay 1996.



