Jadwalka Koobka Kooxaha Aduunka Sida Loo Ciyaarayo Oo Lasoo Saaray, Real Madrid

Waxaa lasoo saaray jadwalka kooxaha ciyaarayaan koobka kooxaha aduunka waxaana sanadkaan 2016 lagu qabanayaa koobkaan dalka Jaban bisha December marka lagaaro Real Madrid oo ku guuleeystay Champions League yurub ayaa la ciyaaridoonta kooxda reer Mexico ee America ka socota.

Waxaana kulanka la ciyaaridoonaa 14 December , waxaana kulankaasi kadib loo gudbayaa Quetar Fibal-ka koobka.

Waxaa sanadkaan laga yaabaa isbedel weeyn in lagu arko sababtoo ah kooxda reer Korea ee Seol ayaa bilowday diyaargarowga ugu horeeyey ee kulamada koobkaan.

Waxaa sidoo kale jira isku aad kale sida kooxaha kusoo guuleeysteen ama kooxda soo qaaday koobka Africa oo wareega afar dhamaadka wajahaya Atletico Nacional.

Heerka ugu dambe Semi Final-ka waxaa kasoo baxday natiijo aan caadi ahayn waxaana hada la sugayaa in la arko qeeybta Real Madrid ay ku jirto iyo wax dhicidoono.

Koobkaan waxaa lasoo gaba gabeeyndoonaa December 18, waxaana Final-ka lagu qabanayaa Yokohama, inkastoo kooxdiisa ku guuldareeystay Seimi Final-ka loo diridoono Real Madrid si ay ula soo ciyaarto.

Sida Loo Ciyaaridoono Jadwalka Koobka Kooxaha Aduunka