Macalin Jose Mourinho Oo Bedelka Wayne Rooney Ka Arkay Magaalada Madrid

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa diirada ssaaraya inuu lasoo wareego ciyaaryahankii bedeli lahaa Wayne Rooney waxaana uu xidigaan ka raadiyey Magaalada Madrid.

Laakiin kooxdiisa hore ee Chelsea ayaa dhanka kale ka raadineysa xidigaan ,waxaase macquul ah in labadaani kooxood dagaal weeyn oo dhanka suuqa uu dhexmaro.

Jose Mourinho ayaa si cad ah u sheegay in Antonio Griezmann uu noqondoono bedelka rasmiga ee Wayne Rooney marka uu suuqa dib u furmo bisha January ama xagaaga kale ay baacsandoonaan.

Xidigaan ayaa hada la bar bar dhigaa heerka ay joogaan xidigaha u kala ciyaaraan Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo,waxaa uu qeeyb ka ahaa xidigihii u tartameeysey abaalmarinta laacibka yurub ee sanakdaan.

Majalada kasoo baxda France ee L’Equipe ayaa sheegeysa in xidigaan uu ku biiridoono mid kamid  ah kooxaha ugu waa weeyn qaarada yurub gaa r ahaan horyaalka England ee Primer Legaue oo xidigaan aad looga doon doonayo.

Qaabka uu Griezmann kaga soo tegikaro kooxda Atletico Madrid waxaa ay tahay in xidigaan uu arko Simeone oo ka tagaya kooxda kadib ayuu sheegay inuu isaga soo dhaqaajindoono garoonka Vincent Calderon.

Ma ahan kaliya United xidigaan reer France kooxda u waalineysa , sidoo kale Chelsea ayaa dhankeeda ka raadineysa ciyaaryaahnkaan waxaana halkaasi kaaga muuqda dagaal kooxeed dhexmaridoona Jose Mourinho iyo Chelsea.