Isu socodka Walaweyn iyo Afgooye oo kala go’an

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka ka imanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay uu hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhaxaysa magaalooyinka Walaweyn iyo Afgooye.

Arrintan ayey dadka degaanka u aanaynayaan isbaarooyin ku soo batay wadada isku xirta labadaasi magaalo, taa oo ku qasabtay Gaadiidleyda in aysan isticmaalin wadadaasi.

Qaar ka tirsan Gaadiidleyda ka howlgala Degaanada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen Ragga dhaca geysta in ay ku lebisan yihiin Dareeska Ciidanka Dowladda.

1-dii Bishan ayay aheyd markii Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu ka dhacay Banaanbax balaaran, kaas oo Gaadiidleyda ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ay kaga cabanayeen isbaarooyinka sharci darada ah ee ay sheegeen in ay yaalaan wadooyinka ka tirsan Shabeelaha Hoose.