Isticmaalka Kaniiniga diazepam iyo librium iyo khatarta ka dhalan karta

Dawooyinkan waxaa loogu talo galay in waqti yar la isticmaalo si loogu saxo dad ka cabanayo hurda la’aanta, walwalka iyo walbahaarka.

Haddii aan dhaqtar kuu soo qorin ma la isticmaali karaa?

Dadka ugu badan ee isticmaalo dawooyinkan oo aan dhakhtar u qorin waxaa ka mod ah: dadka balwada leh iyo dadka shaqooyin adag ee jirka qabta .

Saamaynta caafimaad ee ka dhalan karta
Haddii aan dhakhtar kuu qorin.

qofki isticlmaalo haddii uu waayo ama uu joojiyo waxa yimaado calaamadahan .
– Hurda la’aan ,
– murqo xanuun ,
– madax xanuun
– Dhidid badan
– Jarays
– Matag
– Walwal daran
– Qalal
– Daganaansha la’aan

Sidee loo daweeyaa smaynta ka dhalata isticmaalka daawooyinkaan.

sida caadiga ah waxa ay qaadataa in uu qofku ka bogsado calaamadahan kor ku soo xusnay haddii uu joojiyo isticmaalka dawadan 6 ilaa 7 usbuuc ayadoo lala fal galayo lana dawaynayo calamadahan (withdrawal symptoms) aan kor ku soo xusnay.

Talo soo jeedin

– Waa in aad la xariirtaa dhaqtaatiirta ku takhusustay iyo xarumaha lagu daweeyo.
– Wa in aad la wadaagtaa xubnaha qoyskaaga dhibaatadan ku hayso iyo rabitaanka inaad joojiso balwadan .
– Waa in aad ka fogaataa wixii kugu qasbay isticmaalkeeda.

W/D: Dr Hassan Ali Indhoy