Saraakiil u hadlay ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in ay bilaabayaan waxa ay ugu yeereen “howlgal lagu cirib-tiraayo godad isku xira Marinka Gaza iyo Lubnaan oo ay dhiseen Xisbullaah”.
Afayeenka Ciidamada Yahuuda Korneyl Jonnathan Cincrius ayaa wakaalada wararka ee Reauters u xaqiijiyay in ay maalmaha ina soo aadan bilaabayaan howlgalkaasi xoogiisa.
“Waxaan bilaabaynaa howgalkani oo aan dooneyno in aan ku nadiifino gododkaasi waana guul weyn hadii aan ku guuleysano duugista godokaasi” ayuu sheegay Korneyl Jonnathan.
R/wasaaraha Isreal Binjamin Natanyahu qudhiisa ayaa wacad ku maray bilaawgii todobaadkaani in ay sameyn doonaan tilaabo waliba oo ay ku kala dhantaali karaan ururka hubeysan ee Xisbullah, waxaase loo arkaayay in uu iska sii jeedinaayo tooshka ku daaran, ka dib markii musuq lagu eedeeyay walloow uu waxba kama jiraan ku tilmaamay.
XIGASHO: Aljazeera TV.



