Isra’iil oo Bishaar Al -Assad ku sheegtay inuu wado Arrin hali ah

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa uga digay madaxweynaha Siiriya Bashar Al-Assad horaantii isbuucan inuu qatar galiyo mustaqbalka iyo badbaadinta nidaamkiisa, hadii uu sii wado ogolaanshaha Iran ee joogitaanka Ciidan ee dalkiisa.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta oo uu wehlinayay Wakiilka Mareykanka ee Iran Brian Hook shalay ayaa Netanyahu wuxuu yiri: “Uma aqbali doono Iiraan inay saldhig militari ka sameysato gudaha Siiriya.”

“Waxaan ku dhahayaa ayatollahiga Tehraan: ‘Israel waxay sii wadi doontaa inay qaado tilaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay kaa hor istaagto inaad abuurto argagax kale iyo millatari ka dhan ah Israel’.

Hadalkiisa sii wata yuu ku daray “Waxaan ku iri Bashar Assad, Waxaad qatar galineysaa mustaqbalka wadankaaga iyo nidaamkaaga”