Israa’iil oo duqeymo ka fulisay Lubnaan.

Israa’iil ayaa ku garaacday dhowr duqayn oo dhanka cirka Lubnaan ka dib markii dhowr gantaal lagu tuuray Israa’iil kuwaas oo laga soo gannay dhanka Lubnaan, taasoo ah rabshaddihii ugu xumaa tan iyo markii xabbad joojin la dhaqan geliyey bishii Noofambar.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen daraasiin gantaallo ah iyo xarun ay leeyihiin Xisbullah oo ah malleeshiyada iyo kooxda siyaasadda ee Iran taageerto, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 7 qof oo uu ku jiro canug ay ku dhinteen duqeyntaasi halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxo dhowr ah oo hubeysan ayaa ka howlgala dalka Lubnaan oo ay ku jiraan kooxaha Xisbullah iyo Falastiiniyiinta, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.