Iskuulka Abii-xaniifa oo iska xaadiriyay kama dambeysta tartanka iskuulada Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulka Abii-xaniifa ayaa galabta iska xaadiriyay kama dambeysta Tartanka iskuulada Idaacadda Risaala oo sanadkii Todobaad ay Idaacadda qabaneyso.

Tartankan oo bilowgiisii ay iska diiwaangeliyeen iskuulo gaaraya 14 ayaa waxaa galabta afar dhamaadkiisa qeyb ka mid ah ku tartamay iskuulada Abi-xaniifa iyo Hiigsi.

Tartanka iskuulada Risaala ayaa waxaa maalgelineysa shirkadda UBC COCA COLA, waxaana tartanka uu marayaa gaba gabo, maadaama qorshaha uu yahay in la soo gaba gabeeyo todobaadkan dhamaadkiisa.

Labada iskuul ayaa galabta xarunta dhexe ee Idaacadda la yimid min Shan arday, waxayna soobandhigeen tartan xiiso badan, iyada oo ugu dambeyn ay guusha ku raacday iskuulka Abii-xaniifa 6 iyo 5, taasi oo sababtay in Hiigsi uu isaga haro gabi ahaanba tartanka.

Guddoomiyaha Tartanka iskuulada Idaacadda Risaala Xasan Cabdi Axmed ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natijada tartankii galabta dhexmaray labada iskuul.

Maalinta berri ah ayaa waxaa tartami doona iskuulada Boqor Fahad iyo Al-nahda, waxaana iskuulkii badiya uu tagi doonaa kama dambeysta tartanka oo uu iska xaadiriyay iskuulka Abii-xaniifa.