Iskuulada Hiigsi iyo Al-hudda oo galabta ku tartamay Tartanka iskuulada Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Hiigsi iyo Al-hudda ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo galay kulankiisii labaad.

Labada iskuul ayaa galabta soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan, maadaama iskuul walba uu doonayay in uu ka adkaado iskuulka kale.

Shirkadda UBC-COCA COLA oo ka mid ah shirkadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartankan, taasi oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, Ciida ka hor.

Iskuulka Hiigsi ayaa galabta la yimid Sideed dhibcood, wuxuuna guul ka gaaray iskuulka Al-hudda oo keensaday Afar dhibcood, sida uu ku dhawaaqayo Xasan Cabdi Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Tartanka Iskuulada ee Risaala.

Maalinta berri ah oo bisha Ramadaan ay tahay Lix ayaa waxaa tartami doona iskuulada Global iyo Al-isra, waxaana tartanka uu yahay mid leh xiisad iyo xamaasad.