AC Milan oo wada hadallo la furatay laacibka Manchester United

Maamulka kooxda AC Milan ayaa xaqiijiyay in ay si rasmi ah wada hadllo kula jiraan laacibka kooxda Man United iyo xulka qaranka Belgium-ka ee Marouane Fellaini, iyagoo xaqiijiyay inay laacibka khadka dhexe uu xagaagan ka dhaqaaqayo kooxda Red Devils.

30-jirkan ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooda Manchester United, waxaana uu laf ahaantiisa doonayaa ka hayaamidda garoonka Old Trafford.

Agaasimaha Ciyaaraha kooxda AC Milan ee Massimiliano Mirabelli ayaa qiray inay naadigooda la fureen wada xaajood laacibkii hore ee Everton, kaasoo si bilaash ah ugu wareegi kara kooxdii uu doono.

Maamulaha kooxda Red Devils ee Jose Mourinho ayaa si aad ah u doonaya inuu heysto xiddiggan, balse rabitaanka Fellaini ayaa ah inuu ka dhaqaaqo guud ahaan magaalada Manchester.