Iskuulada Hiigsi iyo Global oo galabta uu dhexmaray tartan xiiso badan

Iskuulada Hiigsi iyo Global ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo si habsami leh uga socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.

Tartankan ayaa waxaa maalgelinaya Shirkadda Cabitaanada ee Cocacola, taasi oo Iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa Abaalmarino ay ku farxaan, inta aan la gaarin ciida, si ay ugu ciideestaan.

Iskuulada Hiigsi iyo Global ayaa xarunta dhexe ee Risaala la yimid min Shan Arday, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u heersareeya.

Hiigsi ayaa  ugu dambeyn guusha raacday oo keensaday dhibco gaaraya 9, halka  Global oo la tartamayay uu keensaday 6 dhibcood.