Iskuulada Global iyo Al-isra oo galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Galabta waxaa tartan xiiso badan uu dhexmaray iskuulada Global iyo Al-isra oo ka mid ah Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, kana qeyb galaya tartanka iskuulada Risaala.

Min Shan arday oo ka kala socotay labada iskuul ayaa si toos ah u yimid xarunta dhexe, waxayna soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan labadan Dugsi, kadib min Lix su’aal oo iskuulkiiba la weydiiyay.

Idaacadda Risaala oo sanadkii Todobaad qabaneysa Tartankan ayaa waxa midkan uu yahay mid ka duwan kuwii hore, maadaama abaalmarinta lagu bixinayo la rajeynayo in ay qaalisan tahay kuwii hore.

Iskuulka Global oo mar walba su’aalaha lagu bilaabayay ayaa waxa uu keensaday Todobo dhibcood, halka iskuulka Al-isra oo la tartamayay uu keensaday Shan dhibcood, waxaana natiijada tartankii galabta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Tartanka Xasan Cabdi Axmed.

Maalinta berri ah oo bisha Ramadaan ay tahay Todobo waxaa tartami doona iskuulada Abii-xaniifa iyo Al-isra, kuwaasi oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ku jira.