Isku aadka Wareega 8-aad ee Champions League Oo La sameeyay

Waxaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 8-da ee Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh, kulamada ugu adag ee wareegaan waxaa ka mid ah marka ay isku dhaceen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid, halka PSG ay mar kale wajihi doonto koox Ingariis ah Manchester City.

Lugta hore ee wareega 8da waxaa la ciyaari doonaa 5ta iyo 6da April halka lugta labaad la ciyaari doono kooxda 12ka iyo 13ka bisha April.

ISKU AADKA WAREEGA 8-da

Wolfsburg v Real Madrid

Bayern Munich v Benifca

Barcelona v Atletico Madrid

Paris Saint-Germain v Man CIty