Waxaan idiin heynaa iskooradii laga diiwaan galiyay kulankii shalay Liverpool 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga Southampton kana dhacay Anfield una suura galiyay hogaanka Reds inay kaligood ku noqdaan si ku meel gaar ah.
Liverpool 3-0 Southmpton (Hoedt OG 10, Matip 21, Salah 45+3)
Wesley Hoedt wuxuu noqday cayaaryahanka ugu horeeyay ee Southampton ka tirsan kaasi oo Own Goal ama kama gool iska dhaliyo EPL tan iyo Jos Hooiveld oo iska dhaliyay gool December 2013 cayaay Saints ay wajaheen Spurs.
Liverpool ayaa markii ugu horeesay taariikh ahaan guuleesatay 7-kulan ee ugu horeyso xili cayaareed bilaaw ah dhamaan tartamada kala duwan. Sidoo kalena waa markii 3-aad oo ay Liverpool si xariir ah u guuleesato 6-kulan horyaalka ugu horeyso 1978-79, 1990-91 iyo 2018-19.
Liverpool lagama guuleesanin 24-kulan ugu dambeesay Anfield ku cayaartay kulamada EPL waxayna guuleesteen 16-kulan ka mid ah waana bandhigooda ugu wanaagsan Anfield tan iyo Aug 2009 oo aan 31-kulan xiligaas laga badinin.
Salah ayaa ku lug yeeshay 41-gool 31-kulan oo uu Anfield ku cayaaray wuxuu dhaliyay 30-gool 11-gool kalena Anfield wuu ku caawiyay.
Tababare Klopp ayaa shalay maamulay kulankiisa 600-aad asigoo macalin ah wuxuu guuleestay 296-kulan wuxuu bar bar dhac galay 158-kulan halka 146-kulan laga badiyay.
Tababare Klopp ayaa ka guuleestay 5-kulan uu EPL wajahay macalin Mark Hughes waana tababaraha guulaha ugu badan uu ka heesto tartankan.
Tababare Hughes 6-kulan ee ugu dambeeyay uu Liverpool wajahay waa laga guuleestay sidoo kalena 17-gool ayaa laga dhaliyay halka 3-gool uu Reds ka dhaliyay asigoo kooxo kala duwan maamulayo.



