Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ka wada tirsan dowladda Soomaaliya in ay ku dagaallameen degmada Kaaraan.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidamada dagaallamay ayaa u baabul qaab beeleed, waxaana ay isku heystaan dhul.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay iska hor imaadka maanta ka dhacay Kaaraan inuu ka dhashay khasaare.
Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa shalay weerar waxa ay ku qaadeen ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin Militariga Somaliya, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay Isgoyska Tarabuunka ka waday falal lidi ku ah dhanka ammaanka.



