Iska hor imaad dhexmaray ciidamada Liyuu Boolis iyo ciidanka Puntland

Wararka aan ka helayno deegaanka loo yaqaano Dudun, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Puntland iyo ciidanka Liyuu Boolis.

Iska hor imaadka, ayaa yimid kadib markii ciidamada Liyuu Boolis ay gudaha u soo galeen degaano ka tirsan dhulka Somaliya oo la sheegay in markii hore ciidanka Liyuu Boolis aysan joogin.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo ka ambabaxay d[egaanka Buursaalax, ayaa la sheegay in ay halkaasi tageen oo ciidamada Liyuu Boolis ay la dagaalameen.

Wararka laga helayo magaalada Bursaalax oo degaan ah ugu dhaw Dudun ayaa sheegaya in ay jireen maalmahan xiisada halkaas ka jirta, taas oo ka dambeysay markii ay ciidamada Liyuu Police-ku soo gaareen d[egaano ka mid ah dhulka Somaliya.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa soo gaaray goobaha lagu dagaalamay, waxaana la sheegay ciidamadii Puntland inay u carareen dhanka Buursaalax.