Baarlamaanka Somaliya ayaa la sheegay inuu go’aan ka gaarayo tirada lagu kordhiyay Xubnaha Aqalka Sare ee dalka oo Madasha Wadatashiga Qaran ay ku dareen.
Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa Xubnaha Aqalka Sare ee dalka waxa ay ku kordhiyeen 18 Xubnood oo min saddex Xubnood loogu qaybiyay Xubnaha Aqalka Sare.
C/kariin Xaaji Buux oo ah Xoghayaha Baarlamaanka, ayaa sheegay Dastuurka KMG ee dalka inuu dhigaayo tirada Aqalka Sare ee dalka inay tahay 54 Xubnood, balse uusan dhigeyn tiro kale.
“Dastuurka dalka ayaa cadeynaya tirada Aqalka Sare, marka qodobkaan waxa weeye mid u yaalo Baarlamaanka Federalka Somaliya.” Ayuu yiri Buux.
Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray in Xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka ay jaan goyn doonaan geedi socodka Siyaasada Somaliya.
“Xubnaha Baarlamaanka ayaa laga rabaa jaangoynta geedi socodka Siyaasada Somaliya.” Ayuu yiri Buux.


