Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa gaaray Magaalada Kuweyt ee Dalka Kuweyt.
Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada dowladda Soomaaliya ee ku taalla dalka Kuweyt ayaa soo dhaweeyay Xeerilaaliyaha Qaranka sida Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Cabdulqaadir Amiin Sheikh.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa la filayaa inuu kulamo howleed la qaato dhiggiisa Dalka Kuwait iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Kuwait.



