Shacabka Mandera oo lagu amray in ay guryaha ku xaroodaan 6:30 Maqribnimo

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wali ay taagan Khatarta Al-Shabaab kaga imaan karta dadka kunool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya , islamarkaana ay qasab noqotay in la kordhiyo bandowgii Saartaa Magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Kenya joseph Nkaissary ayaa warbaahinta u sheegay in Bandowgii Saarnaa Mandera iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa iyo 28 ka March ee Sanadka 2017.

Degaanada uu Bandowgu sii saarnaan doono ayaa kala ah Mandheera, Cumar Jilo, Carabia,Fino, Lafey katulo, iyo Ceel Waaq.

Degaanada dowladda Kenya ay sheegtay in Bandowga lagu sii kordhiyay ayaa looga baahan yahay dadka kunool in ay ku guryahooda  ku xaroodaan  6:30 Maqribnimo Waxaana ay banaanka u soo bixi karaan  6:30 Subaxnimo.

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari  ee dalka ayaa sheegaya in shacabka kunool degaanadaasi uu cuuryaamiyay Bandowga , islamarkaana uu hoos u dhacay dhaqaalahoodii.